Madaxweyne Xasan Sheekh oo war ka soo saaray qarixii lagu dilay gudoomiyihii Marko.

July 27 (Jowhar.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehellada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Alle ha u naxariistee, Guddoomiyihii Degmada Marka Marxuum Cabdullaahi Cali Axmed oo ku dhintay qarax Alshabaab ay maanta ka geysteen magaaladaas.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada muwaadiniinta kale ee ku geeriyooday qaraxan, waxa uuna sheegay in falkan iyo kuwii ka horreeyayba ay muujinayaan arxandarrada Al-shabaab ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiye Cabdullaahi Cali Axmed oo ahaa muwaaddin naftiisa iyo nolashiisaba u huray dowladnimada iyo horumarka dalka. Alle waxaan uga baryayaa marxuumka iyo dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxan in uu fadhigooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoysaskooda iyo shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay in dagaal dhab ah lala galo ururrada argagaxisada ee caadaystay dhagarta shacabka Soomaaliyeed iyo daadinta dhiiggooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More