Tuesday, August 11, 2026
Home NEWS Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad iyo walaalkii oo lagu xukumay dil

Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad iyo walaalkii oo lagu xukumay dil

63

Aug 11 (Jowhar)-Madaxweynihii hore ee Suuriya Bashar al-Assad, walaalkiis Maher al-Assad iyo ilma-adeerkood Atef Najib ayaa lagu xukumay dil ka dib markii lagu helay dambiyo la xiriira dagaalka dalkaasi ka socday muddo ku dhow 14 sano.

Maxkamadda Dambiyada ee Dimishiq ayaa maa maanta ku heshay Bashar al-Assad oo xukunka laga tuuray bishii Disembar 2024-kii, haddana ku nool dalka Ruushka isagoo ku qaxooti ah dambiyo ay ka mid yihiin dil qorsheysan, jirdil iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada, waxayna ku ridday xukun dil ah iyadoo uusan goobjoog ahayn.

Maxkamaddu waxay sidoo kale xukun dil ah ku ridday walaalkiis ka yar, Maher al-Assad kaas oo hadda ku nool Ruushka iyadoo xukunka lagu riday isagoo aan goobjoog ahayn.

Atef Najib, oo ahaa madaxii hore ee amniga siyaasadda ee gobolka Deraa ee koonfurta Suuriya, kaas oo ay xireen mas’uuliyiinta Suuriya bishii Janaayo ee sannadkii hore, ayaa lagu xukumay dil sababo la xiriira dambiyo ka dhan ah bini’aadamnimada.

Najib, oo hoggaamiyay olole rabshado wata oo lagu caburinayay dadkii dibadbaxyada ka dhigayay Deraa sannadkii 2011-kiitallaabadaas oo horseeday kacdoon iyo dagaal sokeeye oo dambe ayaa ka soo muuqday gudaha qafis isagoo xiran dharka maxaabiista xilligii garsooruhu uu akhrinayay xukunka.

Sida ay maxkamaddu sheegtay, dambiyada lagu helay waxaa ka mid ah dil, dil ula kac ah oo loo geystay carruur ka yar 15 jir iyo jirdil sababay dhimasho.

Xukunka ka dhanka ah al-Assad iyo qaraabadiisa ayaa ah kii ugu horreeyay ee ay ridaan maamulka ku-meel-gaarka ah, kuwaas oo sannadkan bilaabay inay maxkamadeeyaan shaqsiyaad ka tirsanaa xukuumaddii hore.

Garsoore Fakhr al-Din al-Aryan, oo khudbad ka jeediyay maxkamadda, ayaa sheegay in markhaatifurka uu caddeeyay doorka hoggaamiyaha hore ee Suuriya uu ku lahaa dambiyadaas isagoo ahaa qofka ugu sarreeya ee go’aannada gaara, isla markaana uu adeegsaday hay’adaha dowladda si uu u fududeeyo fulinta dambiyadaas.