Madaxweynihii hore Koofur Galbeed Shariif Xasan oo gaaray magaalada Baydhabo

Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, saddex sano kaddib markii iska casilay xilkaas.

Shariif Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin iyo qeybaha bulshada.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta ayaa Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Shariif Xasan iyo wafdigiisa oo la dejiyay guri ku dhow Madaxtooyada Baydhabo.

Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu baadigoob ugu jiro Kursi Xildhibaannimo, waxaana kurisga ku fadhiya Wiil uu dhalay. Socdaalka uu ku tagayo Baydhabo ayaa noqonaya markii u horreysay muddo saddex sano kaddib markii cadaadis lagu saaray inuu iska casilo xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed dhammaadkii sanadkii 2018.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More