Magaalada Kismaayo oo lagu doortay 5kursi oo Golaha Shacabka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Jubbaland ayaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ku qabtay doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Kursiga Koowaad ee Hop#072 ayaa waxaa mu tartamay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay iyo Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi, balse waxaa markale ku guuleystay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo natiijada ku dhawaaqay ayaa sheegay in Cabdirashiid Maxamed Xidig uu helay 75 Cod halka musharrixii la tartamay ee Cabdisamad Maxamed Cabdullaahi uu helay 18, waxaana halaabay laba Cod.

Kursiga labaad ee Hop#130 oo uu horay ugu fadhiyay Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Gamacsiga Maxamed Diiriye Khaliif (Shaakuut) ayaa waxaa ku tartamay Mowliid Cabdi Maxamuud iyo musharax Haboon Xasan Tifow, waxaana kursiga ku guuleystay Mowliid Cabdi Maxamuud.

Kursiga Saddexaad ee Hop#079 ay ku fadhisay Farxiyo Xasan Axmed ayaa waxaa Maanta ku guuleystay Maxamuud Muxumed Cumar ( kuulow) oo helay codod gaaraya 74 halka Bashiir Nuur Dhuumaal oo la tartamay uu helay 21 Cod, waxaana halaabay laba cod.

Kursiga Afaraad ee Hop#112 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdi Casiis Cabdullaahi Maxamed Xukun ayaa waxaa Maanta ku tartamay Da’uud Cismaan Cali iyo Cabdiqaadir Maxamed Waceys, waxaana kursiga ku guuleystay Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Waceys.

Kursiga Shanaad ee ugu dambeeyay doorashadii Maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee HOP#136 uuna ka geeriyooday Maxamed Cabdi Gaandi ayaa waxaa ku guuleystay Cumar Yuusuf Qalaadiid oo helay 82 Cod halka musharrixii la tartamay ee Cabdifitaax Cumar Macalin uu helay 17 cod.

Maamulka Jubbaland ayaa ah Maamulka ilaa iyo hadda aan shaacin kuraasta degaan doorashada labaad kadib khilaaf u dhaxeeya Maamulkaas iyo Villa Somalia ,balse ay dhawaan soo geba-gabeyn doonaan doorashada kuraasta taalla Magaalada Kismaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More