Magaalada Omdurman oo laga raadinayo dadka xabaalaha qoda kadib markii meydadka la aasi waayay

Aug. 09 (Jowhar.com)-Magaalada Omdurman ee mataanaha la ah caasimada dalka Sudan ayaa waxaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay hareeyay duqeymo xagga cirka ah iyo dagaallo culus, iyadoo uu sii xoogeysanayo colaadda u dhaxeysa ciidamada dowlada iyo ciidamada RSF.

Dagaalka oo galay bishii Shanaad ayaa waxaa baraha bulshada labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu soo bandhigayay baaqyo la xiriira in loo baahan yahay dadka xabaalaha qoda maadaama meydadka ay buuxdhaafiyeen magaalada Omdurmaan.

Wararka ayaa sheegaya in meydadka ay buux dhaafiyeen magaalada iyadoo bambooyinka xagga sare laga soo tuurayo iyo firirka iyo rasaasta heerka dhulka ah ay ku dhacayeen dadka rayidka ah.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in meydadka lagu aasayo xabaalo wadareedyo maadaama aysan dadku heli karin wax xabaalaha qoda.

Dad ku sugan isbitaalka kaliya ee ka shaqeeya Omdurman ayaa sheegay in 33 qof oo rayid ah la dilay tan iyo Isniintii, markaasoo iskahorimaadku u muuqday mid waji cusub galay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalkan uu yahay kii ugu xooganaa tan iyo markii uu dagaalka bilowday bishii April.
Ciidanka dowlada oo isku dayaya in ay ka saaraan ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee ku sugan qeybo ka mid ah Omdurman, ayaa duqeyn cirka iyo dhulkaba ah ku garaacayay magaalada.

Waxay isku dayayaan inay gacanta ku dhigaan buundada muhiimka ah ee mara wabiga Niil, ee isku xira Omdurman iyo Khartoum North, oo ay RSF isticmaasho.

Weerar madaafiic ah oo habeenkii Talaadada lagu qaaday galbeedka Omdurman ayaa sababay dhimashada laba qof oo rayid ah iyo dhaawaca tiro kale.

Waxa kale oo ay keentay qax cusub oo dad badan oo rayid ah lagu arkay iyagoo saaran basas yar-yar, qaarkood waxay ku sii jeedaan waqooyiga Omdurman, halkaas kuwa kalana ay ka baxayeen gebi ahaanba caasimada.

Waxaa jira weli isku dayo caalami ah oo lagu doonayo in labada dhinac ay wadahadlaan balse lama hubo in in taliyaha ciidamada Gen Abdel Fattah al-Burhan ama madaxa RSF Mohamed Hamdan Dagalo oo loo yaqaano Hemedti ay diyaar u yihiin in ay wadahadlaan.

UNHCR waxay sheegtay in ugu yaraan afar milyan oo qof ay ku barokaceen, oo ay ku jiraan in ka badan 900,000 oo u qaxay dalalka deriska ah oo ay horay ula daalaa dhacayeen colaado iyo dhibaatooyin dhaqaale.

Tiradii ugu badnayd – in ka badan 377,000 – ayaa u qaxay Chad iyagoo ka soo qaxay galbeedka Sudan ee gobolka Darfur, halkaas oo goob-joogayaal ay ku eedeeyeen maleeshiyaad carbeed oo taabacsan RSF-ta inay mas’uul ka yihiin mowjadaha weerarrada isir ahaan lala beegsanayo ee ka dhanka ah kooxaha aan Carabta ahayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More