Mahad Maxamed Salaad oo loo magacaabay taliyaha Nabadsugida

May 26 (Jowhar.com)Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa ansixiyay Magacaabista Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo loo magacaabay Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Xilka Agaasimaha Nabadsugida waxaa si kumeel gaar ah u hayay Yaasiin Cabdulaahi Farey oo isagana ka mid ah xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Dhuusamareeb kadib markii uu ra’iisul wasaare Rooble xilka qaadis ku sameeyay agaasimihii hore Fahad Yaasiin.

Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta aad ugu dhow Madaxweynaha dhawaan markale la doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa luminaya xubinimada xildhibaanimada golaha shacabka maadaama uu noqday Agaasimaha NISA.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More