Mahad Salaad oo 5 qodob ku fasiray khudbadii Farmaajo (Akhriso)

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa shan qodob ku fasiray khudbadii xalay uu jeediyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo ku tilmaamay in khudbadiisa aheyd is-moogeysiis iyo ila meereyso.

Mahad Salaad ayaa sheegay in Farmaajo aanu ku soo hdal qaadin dhibaatada ka taagan magaalada Muqdisho iyo qalalaasaha siyaasadeed iyo midka amni uu dalka geliyay.

Haddaba Xildhibaanka ayaa shan qodob ku fasiray khudbadii Farmaajo

1. Sooma hadalqaadin ku darsigii xaaraanta ahaa iyo xukun boobkii uu ku kacay 12-kii bishan Abriil 2021.

2. Kama garaabin, umana tacsiyeen shacabkii dhiigooda uu daadiyay, guryahoodana ka barakiciyay iyadoo bil Ramadaan lagu jiro.

3. Wuxuu iska indhotiray fidnada uu ka dhex abuuray ciidamada qalabka, isagoo kala qaybiyay kadibna qoryo isugu dhiibay. Mana jiro maanta askari askari kale aaminaya iyo sarkaal laga amar qaadanayo, qof walibana wuxuu miciin bidday qorigiisa iyo qabiilkiisa.

4. Sidoo kale ma sheegin sida xal loogu heli karo ismariwaaga siyaasadeed ee maanta taagan, kumana baaqin wadatashi iyo dib-u-heshiisiin siyaasadeed oo dalka lagu samatabixinayo.

5. Isku soo wada duuboo ujeedka Farmaajo wuxuu ahaa ii dheh siyaasadeed uu waqti ku iibsanayo si uu diyaar garoobo isla markaasna isaga yareeyo cadaadiska ciidan ee dulsaaran iyo goodiska beesha caalamka ku hayso.

Ugu dambeyntii waxaan ku baaqayaa inaan heeganka laga bixin inta ninkaan jid iyo jiho diidka ah dalka iyo dadka laga badbaadinayo. Lagana hubiynayo in dalku doorasho aaday.

Hon. Mahad Salad

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More