Mahad Salaad oo amray in baaris deg deg ah lagu sameeyo dilka taliyihii NISA ee Gedo.

Dec. 09 (Jowhar.com) -Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Mahad Salaad ayaa ka tacsiyadeeyay dilka taliyihii NISA ee gobolka Gedo marxuum Bakaal kooke oo saqdii dhexe ee xalay lagu dilay qarax ka dhacay gobolkaasi Gedo.

Mahad Salaad ayaa ka dalbaday qaybaha baarista ee hay’adda in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan dilkii xalay ee Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Gedo Marxuum Bakaal Kooke.

Bakaal Kooke oo ahaa sarkaalka ugu awooda badan gobolkaasi Gedo ayaa la dilay isagoo ka soo baxay Luuq kuna sii jeeday magaalada Dooloow, waxna dilkiisa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale lala dilay qaar kamid ah askartiisa, iyadoo weerarka uu ku dhaawacmay taliyihii NISA ee magaalooyinka Dooloow iyo Beledxaawo C/llaahi Kiniini.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More