Mahad Salaad;”Kiiska Ikraan waa mid ku keeni kara ceeb iyo fool xumo dowlada”

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, taasoo sababtay in Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ay isku khilaafaan magacaabista mas’uulyiiin muhiim u ah dalka.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu ku sheegay Mahad Salaad in Madaxweyne Farmaajo uu diidan yahay in Kiiska Ikraan lagu kala baxo caddaalada.

“Farmaajo wuxuu ku dheganyahay: Kiiska Ikraan Tahliil waa in maxkamada laga soo celiyo si Fahad loo badbaadiyo. Taliyaha NISA waa inaan anigu soo magacaabo, si loo baabi’iyo raadka kiiska Ikraan!”ayuu yiri Mahad Salaad.

Sidoo kale qoraalka uu soo dhigey Mahad Salaad ayaa waxa kale oo uu ku xusay in Kiiska Ikraan uu yahay mid ka weyn sida loo malaynayo,uuna yahay mid ceeb iyo foolxumo ku ah dowlada Soomaaliya.

“Kiiska Ikraan inta la malaynayo waa ka weyn yahay waxaana soo baxaya xogo hor leh oo hadii ay run noqdaan ceeb iyo foolxumo aan la arag oo la maqal ku ah Dowladnimada Soomaaliya, Dhaqankeena suuban iyo Diinteena Islaamka!”

Hase yeeshee ma faahfaahin Mahad Salaad falka ceeb iyo foolxumo ku noqon kara dowlada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More