Mahad Salaad;”Waan tagaynaa fadhiga baarlamaanka ee berri.”

15-ka Xildhibaan ee guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal uu sheegay in laga joojiyay ka qeyb-galka 5 kamid ah kulamada Golaha ayaa shaaciyay inay tagayaan kulanka baarlamaanka berri ayna jirin sharci u diidi kara.

Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaannada oo kahadlay shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalad Muqdisho ayaa ku tilmaamay go’aanka uu soo saaray guddoomiyaha golaha Shacabka uu yahay sharci darro guddoomiyahana uusan xaq u laheyn in Xildhibaano uu ka hor-istaago ka qeyb-galka kulamada Golaha.

“Kulanka golaha shacabka waan tagaynaa,waxaan helnay fariinta loo diro xildhibaanada, wixii na soo gaarana waxaa si shakhsi ah mas’uuliyaddeeda dusha u ridan doona guddoomiye Mursal.”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh inuu jebiyay xeer hoosaadka golaha shacabka uuna gudaha hoolka shirka baarlamaanka soo geliyay ciidamo hubeysan.

“Maxamed Mursal waxa uu meel ugaga dhacay xeer hoosaadka Golaha Shacabka, uuna ku xad-gudbay qodobo ku jira, isla markaana ku tuntay qodobka Xarunta Golaha Shacabka ka mamnuucaya in lala soo galo hub.”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Qaar kamid ah xildhibaannada oo iyana dhankooda hadlay waxaa ay sheegeen in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu u adeegayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isla markaana dalka uu dhibaato u horseedayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More