Mahdi Guuleed oo Doxa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Qatar

Mar 27 (Jowhar.com) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo safar shaqo ku jooga magaalada Dooxa ee Dalka Qatar ayaa kulan la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka Qatar Sheekh Khalid Bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Dowladda Qatar iyo Amiirka dalkaas Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani uga mahadceliyey soo dhawaynta diirran ee loo fidiyey isaga iyo wafdigiisa, isaga oo hoosta ka xarriiqay in kulammada noocan ahi ay dardar galin u yihiin mashaariicda horumarineed ee labada dal iska kaashanayaan, isagoo Dowladda Qatar uga mahadceliyay mashaariicda horumarineed ee ay ka hirgalisay Soomaaliya.

 

Dhankiisana Ra’iisal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalka ee Qatar Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani, ayaa tilmaamay sida ay dalkiisa uga go’antahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo labada Shacab ee walaalaha ah, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha labada dal hortabinta u leh.

 

Dowladda Qatar oo galaangal gudaha ah ku leh arrimaha Soomaaliya, ayaa dadaal galineysa sidii ay saameyn muuqata ugu yeelan leheyd doorashada soo socota, dhawaan waxaa dalkeeda tegay wasiirka gaashaandhigga C/qaadir Jaamac iyo xubno kale, iyadoo aan si rasmi ah loo soo bandhigay waxa ay iska yiraahdaan doorashada

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More