Mahdi Maxamed Guuleed oo la kulmay Ergeyga Qatar Al Qahtani

Ra’isul Wasaare Ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta la kulmay ergeyga gaarka ah Dowladda Qatar Dr Mutlaq al-Qahtani oo maalmihii la soo dhaafay booqashada ku joogay dalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa la sheegay inloogaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashada, siyaasadda iyo iskaashiga labada dal.

Ergeyga Qatar Al-Qahtani ayaa weli sii wada kulamada uu la leeyahay dhinacyada kala duwan ee siyaasiyiinta dalka,balse illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ergeyga dalka Qatar.

Kulamada uu ergeygan la yeelanayo siyaasiyinta ayaa ku soo beegantay xilli arrimaha siyaasada dalka Soomaaliya ay marayso meel xasaasi ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More