Majaajiliistihii caan ku baxay qosolka Joya Borja oo geeriyooday

Majaajiliistaha reer Spain Juan Joya Borja, oo qosolkiisa ku faafay caalamka uuna ku caan baxay ayaa geeriyoday isagoo 65 sano jir ah.

Waxaa sifiican loogu yaqaan naaneyskiisa El Risitas,   ayaa caan ka noqday internetka, Wuxuu ku dhintay   galabnimadii Arbacada Isbitaalka Jaamacadda Virgen de Rocío sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Borja waxaa la dhigey isbitaal arrimo caafimaad sanadkii hore. Bishii Maarso ayaa taageerayaashiisa waxa ay u ururiyeen lacag si uu ugu soo iibsado mootada ku shaqeysa korontada ka dib markii mid ka mid ah lugaha laga jaray.

Majaajiliistaha ayaa markii ugu horreysay caan ka noqday 20 sano ka hor ka dib markii uu ka soo muuqday barnaamijyo telefishan oo uu soo bandhigay Jesús Quintero.

Muuqaalka, oo lagu soo duubay YouTube-ka showgii 2007, Borja ayaa ka sheekeeyay xilli uu ka ahaa shaqaale hotel ku yaal xeebta uuna ka seexday suxuunta taal banaanka habeen balse uu soo toosay iyadoo baddu ay la tagtay saxamadii hal saxan mooyee.

Halkan hoose ka daawo sheekada saxuuntii ay qaaday badda!!

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More