Man United oo dib ula soo wareegtay Cristiano Ronaldo.

Manchester United ayaa xaqiijisay inay heshiis la gaartay kooxda Juventus iyadoo dib ula soo wareegtay Cristiano Ronaldo.

United ayaa ogolaatay inay bixiso 12.8 milyan ginni 36 jirkaan, iyadoo heshiiska uu ku xiran yahay shuruudo shaqsiyeed, fiise iyo caafimaad.

Ronaldo ayaa dhaliyay 118 gool 292 kulan oo uu u saftay Old Trafford ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid 2009kii.

“Qof walba oo kooxda ka tirsan wuxuu rajeynayaa inuu Cristiano dib ugu soo dhaweeyo Manchester,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay United.

Ku dhawaaqista United ayaa timid kadib 24 saacadood oo ay soo baxayeen warar la xiriirinaya Ronaldo kooxda Manchester City,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in heshiis shaqsiyeed ay horay ugu heshiiyeen labadooda.

Si kastaba ha ahaatee, Ronaldo ayaa doortay inuu ku laabto United halkaas oo uu ku qaatay lix sano wuxuuna kula guuleystay saddex horyaal oo Premier League ah, hal Champions League, labo League Cup iyo hal FA Cup – iyo sidoo kale Fifa Club World Cup iyo Community Shield – xilligaa oo tababare u ahaa naadiga Sir Alex Ferguson.

Markii hore, Ronaldo wuxuu u maleeyay inaysan jirin wax fursad ah oo uu kula galayo kooxdiisii ​​hore, laakiin United ayaa go’aansatay inay ka dhabeyso, halka City ay seegtay inay hesho weeraryahan kale kadib markii bartilmaameedka ugu weyn ee Harry Kane ay heli weyday.

Isagoo hadlaya ka hor inta City aysan wajihin Arsenal Sabtida Premier League, tababare Pep Guardiola ayaa yiri: “Cristiano waa ciyaaryahan Juventus ah, wax kale kuma dari karo.

“Hadda, dareenkaygu waa in aan aad ugu faraxsanahay kooxda aan haysano oo aan sidii hore ahaan doono.”

Ronaldo ayaa wuxuu ku guuleystay shan jeer Ballon d’Or, isagoo ku guuleystay abaalmarintii la rabay 2008 (Man Utd) iyo 2013, 2014, 2016 iyo 2017 (dhammaantood wuxuu la joogay Real Madrid).

Shan jeer ayuu ku guuleystay Champions League 2008 (wuxuu la joogay Man Utd), iyo 2014, 2016, 2017 iyo 2018 (dhammaantood wuxuu la qaaday Real Madrid).
Wuxuu ku guuleystay toddoba horyaal saddex horyaal oo waaweyn 2007, 2008, 2009 (dhammaantood wuxuu la qaaday Man Utd), 2012 iyo 2017 (wuxuu la qaaday Real Madrid) iyo 2019, 2020 (wuxuu la qaaday Juventus).

Koobkii European Championship ee uu la qaaday Portugal sanadkii 2016.
Wuxuu ku guuleystay 32 koob oo naadi iyo dalba leh Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid, Juventus iyo Portugal.

Ciyaaryahanka ugu goolasha badan Champions League 134 gool 176 kulan oo uu saftay
Arbacadii, Juventus ayaa u sheegtay Ronaldo inay diyaar u yihiin inay iska iibiyaan inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga – laakiin waa haddii shuruudohooda ay buuxiyaan kooxaha xiisaynaya.

“[Ronaldo] wuxuu bixiyay tabarucdiisii, wuxuu isu diyaariyey, hadda wuu baxaa, noloshuna way sii socotaa,” ayuu yiri maamulaha Massimiliano Allegri Jimcihii.

“Arrimuhu way is beddelaan, waa sharciga nolosha, Juventus ayaa hadhay, taas oo ah waxa ugu muhiimsan.

Sida ay wararku sheegayaan, Ronaldo ayaa ku wargaliyay saaxiibadiisa Juventus in lagu wado inuu baxo bishaan kadib seddex sano oo uu ku qaatay kooxda heysata 36 jeer ee Italy.

Kadib wuxuu baabuur u kaxaystay garoonka tababarka subaxnimadii Jimcaha laakiin wuu baxay kahor intuusan ka qeyb galin fadhiga.

Ronaldo ayaa macsalaameeyay Juventus oo laacibka ku bixisay lacag dhan £ 99.2m bishii July 2018, qoraal uu soo dhigay Instagram -ka.

“Maanta waxaan ka tagayaa koox la yaab leh, tan ugu weyn Talyaaniga waana hubaal mid ka mid ah kuwa ugu weyn Yurub oo dhan,” ayuu qoray.

“Qalbigayga iyo naftayda ayaan siiyay Juventus mar walbana waan jeclaan doonaa magaalada Turin ilaa maalmaha ugu dambeeya”.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More