Maraakiib dagaal uu leeyahay Shiinaha oo gaaray Nigeria iyo xiisada ka dhalatay

Jully. 07 (Jowhar.com)-Maraakiib dagaal oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa gaadhay dekedda magaalada Lagos ee dalka Nigeria, arrintaas oo kor u qaaday dareenada laga qabo, in Shiinuhu uu doonayo inuu saldhig milateri ka samaysto gacanka muhiimka ah ee Guinea.

Saraakiisha Shiinaha iyo Nigeria ayaa safarkan ku macneeyey in looga dan leeyahay kor u qaadista xidhiidhka ammaanka ee dhinaca badda ee gobolkaas, halkaas oo ay marar kala duwan ka dhacaan, falal budhcad-badeednimo ahi.

Shiinaha oo haatanba saldhig milateri ku leh dalka Djibouti ayaa la rumaysan yahay inuu qorshaynayo inuu saldhigyo kale samaysto.

VOA oo weydiisay saraakiisha safaraadaha Shiinaha ee Nigeria iyo Washington, in Shiinuhu uu doonayo in ujeedada safarkani ay la xidhiidho sidii Shiinuhu uu saldhig labaad uga samaysan lahaa qaaradda Afrika, ayaa labada xafiisba ay diideen inay ka falceliyaan.

Wasaaradda arrimaha debedda ee Maraykanka ayaa iyada lafteedu ka gaabsatay inay ka jawaabto su’aal arrintan la xidhiidhay, iyaga oo VOA u sheegay “inaanay doonaynin inay xakameeyaan, cidda ay dalalka Afrika iskaashiga la samaynayaan.

Hase ahaatee ay dalalka Afrika u bandhigayaan, doorashooyin, faa’iidooyin wata oo la xidhiidha, nidaamkeena maamulka dawliga ah iyo nooca isk

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More