Maraakiibta oo bilowday inay maraan marinka Suez oo dib u furmay

Maraakiibta ayaa bilaabay inay isaga kala gooshaan marinka Suez kadib markii uu dhawaan xiray Markab weyn oo saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee aggaas.

Maraakiib gaareyso 37 oo ku xayirnaa marinka ayaa ka gudbay halkaas halka 70 kalena la filayo inay maraan Suez.

Mas’uuliyiinta Suez ayaa dadaal ugu jiraa sidii ciriiriga looga yareyn lahaa marinka isla markaana ay sugayaan inay ka gudbaan halkaas ilaa 400 maraakiib ah oo xayirmay.

Arrintani ayaa imaaneysa xilli shaley markabki weynaa ee ku dhawaad toddobaad xiray marinka Suez ee dalka Masar lagu guuleystay in goobtii uu ku caddilmay laga jiido.

Markabka Ever Given oo uu dhererkiisu yahay 400 oo mitir ayaa Marinka Suez isku gooyey xilli uu siday shixnado dhan 224,000 oo tan.

Markab lagu magacaabo Ever Given oo ka soo shiraacday dekad ku taal Shiinaha kuna sii jeeday Rotterdam, Netherlands,oo fariistay kanaalka Suez ayaa in muddo toddobaad ah ku xayirnaa halkaasi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More