Maraykanka oo cunoqabatayn dhaqaale ku soo rogay madaxa sirdoonka Uganda

Dowlada Maraykanka ayaa cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogtay madaxa sirdoonka ciidamada Uganda Sareeye Gaas Abel Kandiho.

Abel Kandiho ayaa dowlada Maraykanka ku eedeysay in ciidamada uu taliyaha u yahay ay ku dhaqaaqeen xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqul aadanka.

Cunaqabateyntan Mareykanka ayaa xayiraysa hantida Genral Kandiho, waxayna guud ahaan ka mamnuucday dadka Maraykanka ah inay la macaamilaan.

Bayaan ka soo baxay Maraykanka ayaa lagu sheegay in ciidamada sirdoonka Milatariga Uganda ay jirdil ku sameeyeen dad u dhashay dalka Uganda uuna ku lug lahaa madaxa sirdoonka Kandinho.
“Saraakiisha sirdoonka millatariga waxay xireen, oo ay jir dil u geysteen dad u dhashay dalka Uganda sababo la xiriira jinsiyadooda, aragtidooda siyaasadeed, ama dhaleecayn ay u jeediyeen dowladda Uganda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hase yeeshee Milatariga Uganda ayaa waxa ay ka codsadeen Maraykanka inay soo bandhigaan cadeymo la xiriira sheegashadooda.

Dowlada Uganda ayaa la aheyd xulufo dhinaca amniga iyo sirdoonka xukuumada Washington gaar ahaan arrimo la xiriira la dagaallanka xagjiriinta Bariga Africa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More