Maraykanka oo digniin culus u direy muwaadiniintiisa 

Oct 19 (Jowhar.com)- Wasaarada Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa soo saartay digniin caalami ah oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan dibadda, iyadoo uga digtay khataro ku iman kara.

Muwaadiniinta Mareykanka ayaa lagu booriyay inay taxadar dheeraad ah muujiyaan marka ay safrayaan iyadoo ay ugu wacan tahay suurtagalnimada weerarada,mudaaharaadyada ama falalka rabshadaha ka dhanka ah muwaadiniinta iyo danaha Mareykanka.

Digniintan culus ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sii kordheyso carada Bariga Dhexe ee ka dhalatay taageerada Mareykanka ee weerarada Israel ee marinka Gaza.

Digniintan heerka caalamka oo dhan ayaa ah mid dhif iyo naadir ah , waxaana ugu dambeesay waaxda qaranku ay soo saartay ogaysiis noocaan oo kale ah Agoosto 2022kii kadib dilkii hogaamiyihii al-Qaacida Ayman al-Zawahiri ee Kabul,wadanka Afghanistan.

Intaa ka hor ogaysiiskii hore waxa la soo saaray 2017 -ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu u aqoonsaday Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil -iyo 2003 isla markiiba ka dib duulaankii Ciraaq.
Ma cadda waxa keenay digniinta iyo in Maraykanku uu soo gaaray khatar gaar ah.
Hase yeeshee, waxaa jirta cabsi laga qabo in dagaalka Qaza uu horseedo xaalad kacsanaan ah oo gobolka ah.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in saldhigga ciidamada cirka ee Ain al-Asad ee dalka Ciraaq oo ay ku sugan yihiin ciidamo Maraykan ah lagu qaaday weeraro gantaallo iyo kuwa aan duuliyaha lahayn.

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa laba ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa ku warantay in aanay wali caddayn in uu jiro khasaare ka dhashay weerarkaas.

Waa weerarkii saddexaad oo muddo 24 saac gudahood ah lagu qaado saldhig ku yaalla dalka Ciraaq oo ay ku sugnaayeen ciidamo Mareykan ah.

Wakaaladda wararka oo soo xiganaysa laba sarkaal oo Maraykan ah ayaa sidoo kale sheegtay in markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Maraykanka oo ku safrayay meel u dhow Yemen uu qabtay gantaallo badan.

Wararka ayaa sheegaya in markabka dagaal uusan u muuqan bartilmaameedka weerarka, waxaana la sheegay in gantaalada ay marayeen agagaarka halka uu ku sugan yahay markabka.

Pentagon-ka ayaa xaqiijisay in markab dagaal oo Maraykanku leeyahay uu ku soo riday waqooyiga badda cas saddex gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga cidda ka dambeysay weraradaas iyo in ay jawaab u tahay dagaalka Israel iyo Xamaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More