Maraykanka oo duqeyn ka fuliyay deegaan ka tirsan Jubbada Hoose

June 03 (Jowhar.com) -Ciidamada Maraykanka ayaa duqeyn ku dishey illaa shan ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab deegaan ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntan oo ah kii ugu horeysay ee ay Maraykanku ka fuliyaan dalka Soomaaliya tan iyo markii dib loogu doortay Madaxtinimada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Wakaalada wararka Soomaaliya ee SONNA ayaa daabacday in duqeyntan ay dhacday maanta oo ah 3da Juun 2022 laga fuliyey deegaanka Beer Xaani aysana ku dhiman dad rayid ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More