Maraykanka oo Hanjabaad culus soo saaray Taageereyna Rooble

Xafiiska u qaabilsan Arrimaha Afrika Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa taageero xoog leh u muujiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxana uu sheegay xafiisku inay ku kalsoon yihiin dadaalka ra’iisul wasaaraha ee doorashada.

Qoraal ka soo baxay xafiiska u qaabilsan arrimaha Afrika xukuumada Maraykanka ayaa lagu sheegay inay diyaar u yihiin inay tallaabo ka qaadaan kuwa carqalada ku ah nabada Soomaaliya.

“Maraykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tallaabo ka qaado kuwa carqaladda ku ah waddada nabadda ee Soomaaliya, isku dayga shaqada looga joojiyay Ra’iisul Wasaaraha waa wax laga naxo, waxaan taageereynaa dadaalkiisa doorashada oo lagu kalsoonaan karo. Dhammaan dhinacyadu waa inay ka waantoobaan ficillada iyo odhaahyada xanafta leh”ayaa lagu yiri qoraalkaka soo baxay dowlada Maraykanka.

Sidoo kale Safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa markale ku celisay baaqoodii ahaa in madaxda ay ka fogaadaan wax walba oo gacan ka hadal sababi kara.

Waxaana safaaradu ku celisay baaqeedii ahaa in la qabto kulanka Madasha Wadatashiga Qaran si loo dardargeliyo doorashada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More