Maraykanka oo ku baaqay in shirka doorashooyinka si buuxda loogaga qeybgalo

Qoraal ka soo baxay safaarada Maraykanka ee dalka Soomaaliya ayaa loogu baaqay Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo in uu xaqiijiyo in shirka loogaga hadlayo arimaha doorashooyinka ay ka soo wada qeybgalaan dhammaan madaxda ay quseyso.

Sidoo kale Qoraalka ayaa loogu baaqay Madaxda ka maqan shirka arrimaha doorashooyinka inay dhammaan ka wada qeybgalaan.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweyne Farmaajo inuu xaqiijiyo shir ay u dhan yihiin maamulada oo si buuxda looga qeyb galo, si loo dhameystiro heshiiska doorashada.”aya lagu yiri qoraalka.

Fariintan ka soo baxday safaarada waxaa loogu baaqay Madaxda dowlad Goboleedyada in si shuruud la’aan uga qeyb galaan shirka arrimaha doorashooyinka.

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalintii labaad uu shir ugaga socdo magaalada Muqdisho madaxda dowlada federalka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada dalka, Shirkan ayaa waxaa ka maqan madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More