Maraykanka oo lagu xirey wiil 6 sano jir ah oo toogtay macalinkiisa

Jan. 07 (Jowhar.com)-Wiil 6-sano jir ah ayaa la dhigay xabsiga kadib markii uu toogtay macalinka Dugsiga Hoose ee Richneck ee Newport News, Virginia dalka Maraykanka.

Taliyaha Booliska Steve Drew ayaa ku sheegay shir jaraa’id in arday 6 jir ah la xirey kadib markii uu toogasho ku dhaawacay macalimadiisa xilli uu ku jiray fasalkiisa.

Drew ayaa sheegtay in haweeneyda macalinka ah oo 30-sano jir ah lagu toogtay gudaha fasalka waxayna ku dartay inaysn ahayn toogasho shil ah.

Taliyaha Booliska ayaa sheegay in gacan ka hadal uu dhex maray macalinka iyo ardaygii qoriga watay, isla markaana hal xabad lagu dhuftay.
Waxa uu boolisku sheegay in xaalada caafimaad ee macalinka la toogtay ay ka soo reyneyso isla markaana uu socdo baaritaan la xiriira sida uu wiilka lixda sano jirka ku helay hubka.

“Waan sameyn doonaa baaritaanka, waxaa jira su’aalo aan dooneyno inaan weydiino oo aan ogaano. Waxaan rabaa in aan ogaado meesha uu hubkaasi ka yimid, waa maxay xaaladdu,”

Duqa magaalada Phillip Jones oo xilka la wareegay saddex maalmood uun ka hor ayaa sheegay in toogashadu ay maalin madow u tahay Newport .

Newport News waa magaalo ay ku nool yihiin 180,000 oo qof waxayna ku fadhidaa qiyaastii 70 mayl (112km) koonfurta caasimadda gobolka ee Richmond.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More