Maraykanka oo sheegay inuu duqeyn ku diley Hoggaamiyihii AlQaacida Ayman Al-Zawahiri

August 02 (Jowhar.com)- Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in hogaamiyaha Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee CIA ay ka fuliyeen dalka Afgaanistaan.

Al-Zawahiri ayaa la dilay Axadii, waana dharbaaxadii ugu weyneyd ee soo wajahda kooxda tan iyo markii la dilay Aasaashoodii Osama Bin Laden sanadkii 2011-kii.

“Caddaalad ayaa la bixiyay, hoggaamiyahan argagixisaduna hadda ma joogo,” ayuu Biden ku yiri khudbad gaar ah oo telefishinka laga sii daayay oo uu ka jeediyay bannaanka Aqalka Cad.

Sirdoonka ayaa qoyska al-Zawahiri ka helay Kabul horaantii sanadkan, ayuu yiri Biden, isaga oo intaa ku daray in aysan jirin rayid ama xubno ka tirsan qoyska Al-Zawahiri oo ku dhintey weerarka.

Al-Zawahiri ayaa ahaa dhaqtar u dhashay dalka Masar oo madaxiisa la dul dhigay $25m oo abaal-marin ah,wuxaana la sheegay inuu gacan ka geystay isku dubaridka weerarradii lagu qaaday Mareykanka 11-kii Sebtembar 2001-dii oo ay ku dhinteen ku dhawaad ​​3,000 oo qof.

Taliban ayaa xaqiijisay weerarka Kabul, waxayna cambaareeyeen kuna tilmaameen “xadgudub ku ah mabaadi’da caalamiga ah”.

Sarkaal Mareykan ah ayaa horey u sheegay in joogitaanka al-Zawahiri ee Kabul ay tahay xadgudub cad heshiiskii Doha ee Washington iyo Taliban ay saxiixeen 2020.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More