Maraykanka oo si adag u cambaareeyay weerarkii xerada Janaraal Goordan

Feb 11 (Jowhar.com)-War lagu daabacay barta X ee safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa si adag lagu cambaareeyay weerarka xerada Janaraal Goordan oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid fuleynimo ah.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Maraykanku u tacsiyadeynayo ehellada tababarayaashii ciidamada Imaaraadka iyo askarta Soomaalida ah ee lagu dilay weerarka argagxiso ee ka dhacay xerada Goordan.

Maraykanka ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya ee nabad dhiska.

Nin hubeysan ayaa xalay xerada Janaraal Goordan guduheeda rasaas ooda uga qaaday saraakiisha imaaraadka iyo ilaaladooda, waxana halkaas ku dhintay 3 Imaaraadka u dhashay iyo askari ka tirsan ciidamada Baxrayn, waxana ku dhaawacmay 2 kale oo ka tirsan tababarayaasha milatari ee Imaaraadka ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More