Maraykanka oo u diraya diyaaradaha wax burburiya iyo kuwa dagaalka Imaaraatka

Maraykanka ayaa sheegay inuu u dirayo dalka Isutagga Imaaraatka Carabta gantaalka wax burburiya iyo diyaaradaha dagaalka, kadib weeraradii ugu dambeeyay ee gantaalada ay ku qaadeen fallaagada Xuutiyiinta Yemen,sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Washington.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin oo taleefan kula xiriiray Dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Abu bin Zayed Al Nahyan ayaa u sheegay in Pentagon-ka uu u soo diri doono gantaal-hagaha hagaya USS Cole si uu ula shaqeeyo Ciidanka Badda Imaaraadka.

Austin ayaa sidoo kale u sheegay amiirka dhaxalka leh in Washington ay geyn doonto diyaaradaha dagaalka jiilka shanaad – oo ay ku jiraan F-22 Raptor iyo F-35 Lighting II diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka – si ay uga caawiyaan Imaaraadka khatarta hadda jirta.

Wuxuu intaas ku daray in keenista ay tahay “calaamad cad oo muujinaysa in Maraykanku uu garab taagan yahay Imaaraadka oo ah saaxiibka istiraatiijiga ah ee muddada dheer”, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaarada gaashaandhigga Maraykanka.

Ku dhawaaqista ayaa timid ka dib markii Imaaraadka lagu qaaday weerarkii saddexaad ee gantaalaha toddobaadyadii la soo dhaafay Isniintii, kaas oo Maraykanku uu u diray gantaalada hawada ugaga hortaga sawaariiqda, sida ay sheegtay afhayeenka Aqalka Cad Jen Psaki.
Pentagon-ka ayaa markii dambe sheegtay in gantaallada cirka ee Imaaraadka ay ku garaaceen gantaalka soo socday.

Imaaraatka oo aan xuduud toos ah la lahayn Yemen, ayaan ahayn bartilmaameedka ugu weyn ee weerarada Xuutiyiinta tan iyo 2015 – markaasoo ay bilaabeen dagaalka Yemen oo qayb ka ah isbahaysiga milatari ee Sucuudigu hoggaaminayo ee taageeraya dowladda dalkaas ee caalamku aqoonsan yahay.

Weerarkii 17-kii Janaayo. Xuutiyiintu waxay muujiyeen isbeddel istaraatiijiyadeed gaar ah oo kooxda fallaagada ah ay bilowday.

Weerarkaas oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada ayaa lala beegsaday xarumaha saliidda ee Abu Dhabi iyo garoonka diyaaradaha, halkaas oo lagu dilay saddex shaqaale ajnabi ah.Waxayna dhalisay duullaan xagga cirka ah oo lagu qaaday bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yemen.

Toddoba maalmood ka dib, 24-kii Janaayo, ciidamada Mareykanka ee fadhigoodu yahay Abu Dhabi ee saldhigga hawada ee al-Dhafra ayaa sidoo kale ka hortagay weerar gantaal oo ku qasbay askartu inay isku dayaan inay ku dhuuntaan meelo ay gabbaad ka dhigtaan.
Labo gantaal oo nooca Balaastikada ah ayaa lagu soo riday magaalada, lamana soo sheegin cid wax ku noqotay weerarkaas.

Imaaraadku waxa uu martigeliyaa ilaa 2,000 oo askari oo Maraykan ah, kuwaas oo bixiya xog sirdoon oo digniin ah, isla markaana ka shaqeeya difaaca hawada.
Saldhigan ayaa waxa uu ka howlgala geynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka iyo kuwa F-35.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ay sheegtaan ee ka dhanka ah Imaaraatka ka hor weerraradii ugu dambeeyay ee dhawaan waxay ahayd sanadkii 2018-kii.

Iyadoo Xuutiyiintu ay sannadihii u dambeeyay si weyn u bartilmaameedsanayeen Sucuudiga oo xuduud la leh Yemen, oo ay ku garaaceen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallada, ayaa weerarradii ugu dambeeyay waxa ay yimaaddeen ka dib markii ay kooxda fallaagada ahi la kulmeen guul-darrooyin is-daba-joog ah oo ay u geysteen Malleeshiyada Imaaraadku taageero ee Yemen.

In kasta oo Imaaraadku uu ku dhawaaqay in uu dhammaystiray ka bixitaankiisa ciidan ee Yemen bishii Febraayo 2020, waxa ay sii wadaan saamaynta tobanaan kun oo dagaalyahanno ah oo ka tirsan dhawr kooxood oo hubaysan oo waddanka ah.

Dhanka kale, iyada oo Maraykanku sannadkii hore joojiyay taageerada weerarka ee isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, waxay ku celcelisay inay sii wadi doonto taageerada milatari ee hawlgallada difaaca ee xulafadeeda gobolka.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sidoo kale bishii hore u sheegay warfidiyeenka inuu ka fikirayo inuu Xuutiyiinta dib ugu magacaabo “urur argagixiso”, taasoo kooxaha xuquuqul insaanka ay sheegeen inay si weyn u hor istaagi karto in gargaar la gaarsiiyo dalka ay dagaaladu aafeeyeen.
Dagaalka Yemen oo billowday markii Xuutiyiinta ay qabsadeen caasimadda Sanca sannadkii 2014-kii, ayaa abuuray wax ay Qaramada Midoobay ugu yeertay dhibaatadii bini’aadantinimo ee ugu xumayd.

Ilaa 2.3 milyan oo caruur Yemeni ah oo da’doodu ka yar tahay shan sano ayaa hadda la ildaran nafaqo-xumo ba’an, iyadoo 400,000 la filayo inay soo food saarto nafaqo-darro ba’an oo nafta halis gelinaysa bilaha soo socda, sida ay sheegtay UNICEF.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More