Apr 08(Jowhar)-Mareykanka iyo Iiraan ayaa isku afgartay xabad joojin labo todobaad ah kadib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay sameysay xukuumadda Paakistaan.
Waxaa lagu wadaa inay Paakistaan ku kulmaan mas’uuliyiin ka kala socota Mareykanka iyo Iiraan si xal loo helo.
Marinka Hormuz ayaa sidoo kale la furay iyadoo durbaba uu hoos u dhacay qiimaha shidaalka.
Israa’iil ayaa dhankeeda wadda duqeymo ay ka geysaneyso Iiraan iyadoo iska dhaga tireysa heshiiska la gaaray.
Dhankeeda Iiraan ayaa gantaallo ku weerartay magaalooyinka Yahuudda.










