Mar 23(Jowhar)-Diyaaradaha Mareykanka & Israa`iil ayaa duqeymo saf-mar ah ka geysanaya saaka gudaha magaalooyinka waa weyn ee Iran, gaar ahaana magaalada caasumada ah, iyadoo uu dagaalku galay marxalad cusub oo dunida saameyn abidi ah ku yeelanaysa.
Iran oo lafilayay in ay xili hore is dhiibto ayaan taasi hirgalin, Trump ayayna ku noqotay filanwaa aan caadi aheyn, waxaana uu bilaabay duqeymaha kaabayaasha dhaqaalaha ilaa Tamarta, xili saacado kooban naga xigaan 48 saac uu u qabtay Iran in ay kufurto marinka Hormuz-ka.
Duqeymo ayaa lagu beegsaday xarumaha militari, nukliyeer, rugaha ciidamadda Badda Ilaalada Kacaanka & garoomada Milateriga,
Sida ay ku warantay warbaahinta reer galbeedka weerarradan ayaa qayb ka ah olole lagu doonayo, in la wiiqo awoodda gantaallada iyo nukliyeerka Iran.










