Mareykanka iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay dagaalka Shabaab kadib weerarkii Hayat Hotel.

August 29 (Jowhar.com)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Gen. Michael Langley oo bedelay Taliyihii hore Gen. Stephen Townsend.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Abaanduulaha ciidanka XDS, La Taliyeyaal iyo Saraakiil kale iyaga oo ka wada hadlay arrimaha amniga iyo qorshayaasha la dagaalanka Alshabaab.

Mareykanka ayaa bilo ka hor dib Soomaaliya ugu soo celiyay Ciidamadii horay looga saaray, kuwaasoo Saldhig ku leh Garoonka Balli-Doogle.

Saldhigga Mareykanka ee Bali-Doogle waa halka laga abaabulo weerarada ka dhanka ah kooxda Shabaab ee isugu jira duqeymaha cirka iyo howlgaalda tooska ah ee ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ugu daataan saldhigyadooda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More