Mareykanka oo amray in la baaro xasuuqa maamulka Abiye ee Amxaarada

Feb 10 (Jowhar.com)-Dowladda Mareykanka oo ku baaqday in la baaro xasuuqa maamulka Abiy Axmed ka wado gobolka Amxaarada ee waqooyiga Itoobiya.

Danjiraha Mareykanka ee Addis Ababa Ervin Massinga ayaa sheegay in ay 80 ruux ciidanka ku dileen deegaanma Merawi.

“Dowladda Mareykanka waxay ka walaacsan tahay warbixinnada ka imaanaya magaalada Merawi, waxaan ku baaqaynaa in la baaro dambiilayaasha si cadaaladda loo marsiiyo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda.

Ciidanka maamulka Abiy ayaa falal ka baxsan banii’aadannimada ka geystay gobolka Amxaarada waxaana deegaanka ka jira kacdoon ka dhan ah xukunka taliska Addis Ababa kaas oo ay hoggaaminayaan jabhadda Fano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More