Jan 29(Jowhar)-Dawladda Mareykanka ayaa dib u fasaxday gargaarkii bani’aadamnimo ee ay siinaysay Soomaaliya, kaas oo loo marsiin doono Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, kadib hakad ku yimid maalmihii la soo dhaafay.
Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa caddeeyay in gargaarka la fasaxay uu weli la socon doono dabagal, korjoogteyn iyo isla xisaabtan adag, si loo hubiyo in kaalmadu gaarto dadka loogu talagalay, isla markaana aan wax musuq ama ku takri-fal ah dhicin.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii Dawladda Federaalka Soomaaliya ay raalli-gelin rasmi ah ka bixisay dhacdo dhawaan ka dhacday dekedda Muqdisho, halkaas oo dad careysan ay u daateen bakhaar kayd raashin oo ay WFP lahayd, islamarkaana la burburiyay hanti muhiim ah oo gargaar.
Dawladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay aqbashay qaadashada mas’uuliyadda wixii dhacay ee dhanka dawladda Soomaaliya, isla markaana ay tixgelisay tallaabooyinka ay qaadday dowladda si loo sugo amniga xarumaha hay’adaha gargaarka.
Dhacdadan ayaa walaac xooggan ku dhalisay beesha caalamka, maadaama WFP ay ka mid tahay hay’adaha ugu muhiimsan ee gargaar cunto siiya malaayiin qof oo Soomaaliyeed oo ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.
Dib u bilaabashada gargaarka Mareykanka ayaa loo arkaa mid nafis u ah xaaladda bani’aadamnimo ee dalka, inkastoo weli la adkeynayo ilaalinta iyo isla xisaabtanka la xiriira deeqaha caalamiga ah.











