Mareykanka oo ka hadlay tirada duqeymaha 2022 ka geystay Somaliya iyo khasaaraha.

Jan. 07 (Jowhar.com)-Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay tirada weerarada dhinaca cirka ah ee sanadkii 2022 ay ka fuliyeen Soomaaliya iyo khasaaraha ka dhashay.

War kasoo baxay taliska ciidamadda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in 15 duqeyn ay dalkan ka fuliyeen, kuwaas oo lagu taageerayay dowladda.

Duqeymahaas ayey tilmaameen iney ku dileen 100 Shabaab ah, xili ay isku dayayeen iney weeraro dhiig badan uu ku daato ay qaadaan.

AFRICOM ayaa meesha ka saartay in weeraradaasi aaney jirin wax shacab ah oo ay waxyeelo ka soo gaartay, hadafkii laga lahaana la gaaray.

Mareykanka waxa uu sanadkii 2021 Soomaaliya ka geystay 11 duqeyn, 2020-kiina 45, halka 2019 ay geysteen 59 duqeyn, sida ku cad warbixinta AFRICOM.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More