Mareykanka oo kordhiyay lacagaha saaran ninka Shabaab u qabailsan sameynta qaraxyada

Sep 22 (Jowhar.com)-Mareykanka ayaa kordhiyay lacagaha saaran madaxa C/llaahi Cusmaan Maxamed oo Argagixisada Shabaab u qaabilsan Farsamada Qaraxyada, sidoo kalena Madax ka ah qeybta Warfaafinta al-kataa’ib waxaa loo yaqaano Injineer Ismaaciil ama Dhegacadde.

Wuxuu ka mid ahaa dhalinyarada ku soo waxbaratay Suudaan, gaar ahaan Jaamacadda Baxaral Al-Axmar oo kutaala Gobolka Port Sudan, waxaa lagu tilmaamay nin aad u dadaal badnaa.

Ninkan ayaa horay uga badbaaday weerar Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Mareykanka ku qaadeen sanadkii 2020 deegaanka Gendershe oo u dhow Xeebta Jazeera.

Howlgalkaas oo aan lagu guuleysan waxaase ku dhintay Sarkaal Mareykan oo dhaawac ahaan u geeriyooday maalmo kaddib weerarkaas.

C/llaahi Cusmaan Dhegacadde oo horay qeybta Farsamada uga soo shaqeeyay Xafiiska Telefishinka Al Jazeera ee Muqdisho sanadihii 2005 illaa 2009, hadda waa mid ka mid ah ragga loogu doon doonista badan yahay hoggaanka Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More