Mareykanka oo Lix Shabaab ah ku dilay duqeyn ka dhacday Sh.Dhexe.

Dec. 24 (Jowhar.com)-Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM ataa faah faahin ka bixiyay weerar dhinaca cirka ah oo diyaaradohooda ay ki fuliyeen gobolka Sh.Dhexe.

Warka ka soo baxay Mareykanka waxaa lagu sheegay in weerarkan oo Jimcihii ka dhacay meel ku dhow magaalada Cadale oo qiyaastii 150 mile dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho lagu dilay Lix dagaalame oo Shabaab ah.

Waxa ay sheegeen ineysan jirin wax khasaare ah oo Shacabka ka soo gaaray, iyagoo ki sifeeyay inuu ahaa is difaac oo ay kaga hortageen weerar ay maleegeysay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, weerarkan waxa uu noqonayaa kii sadddexaad oo ay Mareykanku la beegsadaan kooxda Shabaab, Midka koowaad ayaa dhacay 14-kii December, waxaana AFRICOM ay sheegtay in 7 ka tirsan Al-Shabaab ay dileen, Duqeynta labaad ayaa dhacday saddex maalmood kadib, waxaana lagu dilay 8 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More