Mareykanka oo markii u horeysay martigeliyay shir u dhaxeeya dalal ku loolamaya Arrimaha Soomaaliya

Mareykanka ayaa markii u horreysay martigeliyay shir lix geesood ah oo ay isugu yimaadeen Wakiilo ka socday shan dal oo ka mid ah dalalka danaha ka leh ee qaarkood ku loolamayay arrimaha Soomaaliya, dalalkaas waxaa ka mid ah Qatar, UAE, Turkey iyo UK.

UAE iyo Qatar oo ka mid ahaa dowladaha ku loolamayay siyaasadda Soomaaliya ayaa waxaa shirka ku matalayay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Sheikh Shakhbout iyo Ergeyga Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar Mutlaq Al Qahtani

Waxaa shirkaas looga hadlay arrimaha Amniga Soomaaliya, dowlad dhiska, horumarinta iyo arrimaha bani’aadanimada, waxaana la isku raacay in la hubiyo waqtiga ku habboon ee gargaarka xasillinta ah la gaarsiiyo deegaanada cusub ee la xorreeyay. Sidoo kale waxaa la go’aansaday in la taageero dadaallada Soomaaliya ku doonayso in si buuxda looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More