Mareykanka oo muwaadiniintiisa kala baxay dalka Niger

Aug. 03 (Jowhar.com)-Mareykanka ayaa go’aansaday qayb ahaan inuu kala soo baxo dalka Niger, shaqaalaha safaaradiisa dalkaasi ku taalla.

Arrintaan ayaana daba socota afgambigii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay Niger.

Boqollaal ajaanib ah ayaa laga daad gureyay dalkaas, iyadoo Axadddiina safaaradda Faransiiska ay weerareen dibadbaxayaal.

Hoggaamiyaha afgambigaJeneraal General Abd al-Rahman Tianyi, ayaa ka digayfaragalin kasta oo ka dhan ah arrimaha dalkiisa isla markaana kaga timaada dibadda

Dalka Niger waa wadan soo saara uranium-ka kuna yaalla marin muhiim ah socdaalka Waqooyiga Afrika iyo Mediterranean-ka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More