Mareykanka oo qaaday talaabo la xiriirta Qaza oo kacareysiineysa Israel

Nov 09 (Jowhar.com)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa Arbacadii shalay ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan, ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto.

Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, ka dib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya.

Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen.

RW Benyamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka.

Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More