Mareykanka oo sheegay in uu Suuriya ku dilay hogaamiyihii Daacish Osama Al-Muhajer

July. 09 (Jowhar.com)-Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen hogaamiyihii kooxda Daacish (ISIS) ee bariga dalka Suuriya.Weerarkan oo dhacay Jimcihii ayaa sababay dhimashada Osama al-Muhajer, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Maraykanka maanta.

“Waxaan si cad u sheegnay inay naga go’an tahay in aan sii wadno in Daacish looga adkaado gobolka oo dhan,” ayuu yiri madaxa taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) General Michael Kurilla. “ISIS waxay weli khatar ku tahay gobolka iyo meelo kale oo ka sii fog,” ayuu sii raaciyay.

Sida laga soo xigtay CENTCOM, ma jirto dad rayid ah oo lagu dilay howlgalka laakiin ciidamada isbaheysiga ayaa qiimeynaya wararka sheegaya in uu soo gaaray dhaawac dad rayid ah.

Waxa ay sheegtay in diyaaradihii loo adeegsaday weerarka ay dhibaato kala kulmeen diyaaradaha dagaalka Ruushka gelinkii hore ee maanta.

Taliska Dhexe ee Maraykanka ayaa sheegay in howlgalkii Jimcihii, ee ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan MQ-9s ayaa waxaa ishortaag muddo labo saacadood ah ku sameeyay diyaaradaha dagaalka ee Ruushka.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ee ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah ISIL ee ka socda dalka Siiriya ayaa khamiistii la soo dhaafay markii labaad muddo 24 saac gudahood ah ay dhibaato u geysteen diyaaradaha militariga Ruushka, sida uu sheegay taliye Mareykan ah.

Taliyaha Ciidanka Cirka General Alexus Grynkewich ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushka ay ku soo tureen waxyaalo holcaya,taasoo khatar gelisay badqabka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee howlgalka ku jirey.

Horaantii sanadkan, khilaaf diblumaasiyadeed ayaa soo shaac baxay muddo kooban kadib markii Mareykanku uu sheegay in diyaaradaha Ruushka ay mas’uul ka ahaayeen soo rididii diyaarad Drone ah oo lagu magacaabo Reaper, taasoo qiimaheeda lagu sheegay in ka badan $30m ayna ka buuxeen tignoolajiyada xasaasiga ah ee sirdoonka Mareykanka, taasoo ka howlgasha badda madow.

Moscow ayaa beenisay in diyaaradaheeda dagaalka ay mas’uul ka ahaayeen diyaaradii Drone-ka ee ku dhacday badda bishii March, balse muuqaal ay soo bandhigeen ciidamada Mareykanka ayaa muujinayay diyaaradaha Ruushka oo ku howlan dhaq-dhaqaaqyo ay ku carqaladeynayaan dariiqa duullimaad ee diyaaradda. Ruushka ayaa xulafo muhiim ah la ah maamulka Suuriya ee Bashaar Al-asad.

Mareykanka ayaa waxaa Suuriya ka jooga ilaa 1,000 askari oo qeyb ka ah dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo ISIL, oo Suuriya looga adkaaday 2019-kii, balse weli waxa ay ku dhuumaaleysanayaan degaannada saxaraha fog ah, iyagoo geysta weeraro joogto ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More