Mareykanka oo sheegtay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar ee ka dhacday Badhan

0
33

Sep 17(Jowhar)-Mareykanka ayaa qirtay inuu 13-kii September 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay nawaaxiga degmada Badhan ee gobolka Sanaag.

Duqayntan ayaa lagu dilay nabadoon caan ka ahaa deegaanka, oo loo yaqaanay caaqilka Cumar

Bayaan kasoo baxay taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu qaaday iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Mareykanku waxa uu ku dooday in ninka la dilay uu ku lug lahaa iibinta hubka islamarkaana uu xiriir dhow la lahaa kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, dadka deegaanka ayaa sheegay in caaqilku ahaa nabadoon bulshada dhexdeeda sumcad ku lahaa, taas oo dhalisay caro iyo muran xoogan oo ku saabsan duqaynta.

Ilaa hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya weli si faahfaahsan ugama hadlin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.