Mareykanka oo weerar culus ku dilay 17 Shabaab.

Nov. 12 (Jowhar.com) -Taliska Mareykanka ee Africa ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu duqeyn cirka ah ku dilay 17 ka tirsan maleeshiyada Al-shaabaab, kaddib codsi uga yimid dowladda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, ma jirto waxyeello dhimasho ama dhaawac ah oo duqeybtan kasoo gaartay dadka rayidka ah.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan argagixisada Al-Shabaab oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayaanka AFRICOM

“Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan Al-Shabaab.” ayuu raaciyay bayaanka Taliska Mareykanka ee Africa.

Duqeyntay ayaa dhacday sagaalkii bishan, kaddib markii ciidamada xoogga dalka ay dagaal kaga hortageen maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab deegaan ay AFRICOM ku sheegtay inuu qiyaastii 285 kiilo mitir waqooyi bari kaga beeganyahay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon.”ayaa lagu yiri bayaanka taliska Mareykanka ee Africa.

AFRICOM ayaa sheegtay inaysan hadda macluumaad dheeri ah ka bixin howlgalkan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More