Mareykanka oo weerar culus ku qaaday keydkii hubka ee Iiraan

Oct 28 (Jowhar.com)-Maraykanka ayaa duqaymo ku garaacay laba baqaar oo ay rasaas iyo hub ugu kayd sanaayeen dawladda Iran kuwaas oo ku yalay gudaha Siiriya.

Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqayntaan ay jawaab u ahayd weerar ay kooxaha ay taageerto Iran ku qaadeen saldhigyada Maraykanka ee Ciraaq iyo Siiriya

Duqaynta Maraykanka ayaan “wax ku lug lahayn dagaalka haaan socda iyo Israa’iil iyo Xamaas”, sida lagu sheegay war soo baxay.

Iran ayaa dhaqso uga ka hadlin arrintaan.

Waxaan wali la ogayn in qasaare nafeed uu ka dhashay duqayntaan iyo in kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More