Mareykanka, Ruushka iyo Carabta oo xabbad-joojin u raadinaya dagaalka Gaza

Oct 25 (Jowhar.com)- Mareykanka, Ruushka iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa ka mid ahaa waddamo Talaadadi shalay riixayay isku day ay ku rabaan in dagaalka u dhaxeeya Israel iyo Xamas hakad la geliyo ama in la gaaro xabbad-joojin, si fursad loogu helo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan magaalada hareereysan ee Gaza.

Xilli ay wali sii socdaan duqeynta cirka ah ee ay ciidanka Israel ku hayaan Gaza, ayaa gelinki danbe ee shalay waxaa Gaza u gudbay illaa sideed baabuurta xammuulka ah oo waday cunto, biyo iyo dawo. Gaadiidkan ayaa ka gudbay Marinka Rafax ee ah kan kaliyah ee isku xira Gaza iyo Masar.

Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka ayaa sheegay, in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga Mohamed bin Salman, oo Talaadadi shalay khadka telefoonka ku wada hadlay, ay isku raaceen “in la ballaariyo dadaalladda diblamaasiyadda, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka loogana hortago in rabshadaha ay sii faafaan.”

Ruushka ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in xabad joojin aanan shuruud ku xirneyn si deg deg ah loo gaaro, halka Mareykanka uu Qaramada Midoobay geeyay qorshe dagaalka lagu hakinayo si dadka ku go’doonsan Gaza loo gaarsiiyo gargaar bani’aadannimo.

Dalalka Carabta ayaa iyaguna ku cadaadinaya QM in si deg deg ah colaadda Israel iyo Falastiin looga gaaro xabad-joojin deg deg ah.

Wasaaradda Caafimaadka Falastin ayaa Talaadadii sheegatay, in duqeynta Israel ee Gaza lagu dilay 5,791 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 2,360 carruur ah, tan iyo 7-di bishaan October.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More