Marinka Kanaalka Suweys oo lagu guuleystey in dib loo furo

Markab weyn oo konteenar ah oo ku xayirnaa kanaalka Suweys muddo toddobaad ku dhow ayaa lagu guuleystey in laga saaro halka uu ku xayirnaa.

Dhererka markabka Ever Given oo gaarayay 400m (1,300ft) ayaa la toosiyay iyadoo la rajeynayo in boqolaal maraakiib ah oo safarkoodu u xayirnaa markabka ay dib u bilaabaan socodkooda.

Wararka ayaa sheegaya in markabka laga saaray marinka ay sare u qaaday rajada laga qabo in isu socodka wadada kanaalka uu dib u bilaaban karo saacado gudahood, taasoo wadada u xaaraysa qiyaastii $ 9.6bn (£ 7bn) oo alaab ah oo xayirneyd.

Markabka Ever Given oo ay saaran tahay xamuul gaaraya200,000-tan ayaa subaxnimadii Talaadada ayaa waxaa ku dhuftay dabeylo badan iyo duufaan.

Qiyaastii 12% ganacsiga adduunka wuxuu maraa Kanaalkan oo dhererkiisu gaarayp 193km (120-mayl), kaasoo isku xira badda Mediterranean-ka iyo Badda Cas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More