Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Jowhar

Wasiirka Gargaarka xukuumada Federalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa gaartay magaalada Jowhar xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye iyo xubnihii la socday ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere ee magaalada Jowhar Wasiiro iyo xidhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiirka Gargaarka Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ah xildhibanaada baarlamaanka ayaa deegaan doorashadeeda waxa uu tahay magaalada Jowhar iyadoo kursiga ay ku fadhidana uu ka mid yahay kuraasta dhawaan guddiga doorashada Hirshabelle ay ku dhawaaqeen kuwaasoo lagu dooranayo magaalada Jowhar.

Khadiijo Maxamed Diiriye oo la hadashay saxaafada marka ay soo degtey ayay sheegtay inay u timid magaalada Jowhar ka qeybqaadashada doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaan ku faraxsanahay in deegaan aan aqaan oo aan ku dhashay,waalidkey ku dhasheen carruurteydana ku dhalatay aan soo gaaro waan u mahadcelinayaa dadka isoo dhaweeyay.”ayay tiri Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan lagu qabto doorashada ilaa 11 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More