Marwo Xaliimo Yareey oo eedeyn kulul u jeedisay Maamul Goboleedyada

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliima Yarey) ayaa ka hadashay xubnaha ay maamul goboleedyada soo magacaabeen ee ah guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka.

Qoraal ay soo dhigtay barteeda twitter-ka ayaa Xaliima Yarey waxa ay ku sheegtay in maamul goboleedyada markii laga reebo Puntland aysan wax haween ah ku soo darin guddiyadii ay soo magacaabeen.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo xukuumadiisu ay u xil saaran tahay howlaha doorashooyinka ayey ka dalbadatay inuu wax ka qabto arrintaas oo ay ku tilmaantay xad gudub ka dhan ah heshiiskii madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ku gaareen Muqdisho.

“Mudane Ra’iisul wasaare, waa wax laga xumaado, marka laga reebo Puntland, inta kale ee madaxda FM-ku ka reebtay haweenka guddiga doorashada. Tani waxay xadgudub ku tahay mabaadi’da heshiiska hoggaamiyeyaasha” ayey qoraalkeeda ku tiri Xaliima Yarey.

Hase yeeshee dowlad goboleedka Hirshabelle oo ugu dambeeyay soo gudbinta liiska metelaada ayaa xubin ka mid ah afarta xubnood waxa ay tahay dumar,waxana uu noqonayaa Maamulka Hirshabelle Dowlad goboleedkii 2aad ee ku soo dartay haween liiska xubnaha Metelaada Guddiga doorashoyinka iyo xallinta khilaafaadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More