Masaajidka Carabta magaalada Jowhar oo dib u dhis casri ah lagu sameeyay

Oct 06 (Jowhar.com)-Munaasabadan si weyn loo soo agaasimay oo lagu daahfurayay masjidul Nuur ee xaafada Horseed Ex Masjidka Carabta ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Daahfurka Masjidkan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Sh/dhexe, degmada Jowhar culumaa’udiin, iyo dadweyne faro badan.

Ugu horeyntii waxaa ka warbixiyay dhismaha masjidkan Maxamuud Maxamed Nuur Baarqab ayaa ka warbixiyay qeybaha kala duwan ee masjidka uu ka kooban yahay iyo qarashka ku baxay.

“Masaajidka waxa uu ku fadhiyaa afar boos oo min 15 mitir ah, waxaana ku tukan jirtey 625 qof, balse hadda waxaa lagu kordhiyay labo dabaq, qeybta hoose waxaa ku tukan karta 595 qof iyo barxad ay ku tukan karto 295 qof iyo qeybta dumarka ay ku tukan karto 250.”ayuu yiri Inj Baarqab.

Isagoo ka hadlayay Injineer Baarqab qarashkii ku baxay masjidkan oo ay dad muxsiniin ahi ska soo ururiyeen ayuu sheegay inay gaareyso 461,832,000 dollar.

Munaasabadii furitaanka masjidka ayaa waxaa ka hadlay culumaa’udiin faro badan kuwaasoo ka hadlay fadliga uu leeyahay dhisida masjidka.

Ugu dambeyntii waxaa ka hadlay munaasabadan oo xariga ka jaray dhismaha masjidkan Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Sh/dhexe Maxamed Cabdi Sheekh iyo guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar waxayna u mahadceliyeen muxsiniintii ka qeybqaadatay dhismaha masjidkan.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa magaalada Jowhar dib u dayactir lagu sameeyay qaar kamid ah masaajidyada ugu waaweyn sida masjidka Alxarameyn oo ku yaal suuqa xaafada Hantiwadaag, ,masjid Bilaal oo ku taal Baryare iyadoo haatana heer gabagabo ah uu marayo masjid ku yaal xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More