Masiibadi ka dhacday magaalada Beledweyne

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax ka dhacay magaalada Beledweyne iyadoo qaraxaasina uu sababay qasaare xoog leh.

Qaraxa oo ahaa mid ka dhashay qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa ayaa sababay qasaare xoog leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka ku dhintey ayaa waxaa kamid ah sida wararka ay sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Beledweyne iyo kan gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxa qaraxa ku dhaawacmay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle oo magaciisa lagu sheegay Aadan Cabdi faarax”Kaladire”.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More