Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Yaaqshid oo qarax lagu dilay.

August 30 (Jowhar.com)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooggan oo xalay ka dhacay xaafadda Buuula-Maaxaay ee degmada Kaaraan, waxaana qaraxaasi oo ahaa Miino lagu dilay mid kamid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir.

Sida wararka laga helayo laamaha amniga ay sheegayaan, Qaraxa waxaa lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee Maamulka degmada yaaqshiid Macallin Xuseen (filla-wayne), halka ay dhaawacyo ka soo gaareen qaar kamid ah ilaaladiisa, iyadoo qaraxa uu qabsaday gaariga uu mas’uulkaasi watay.

Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiillow ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay dilka Macallin Xuseen (filla-wayne) oo ku magacawnaa madaxa Siyaasadda ee degmada Yaaqshid.

Qaraxa oo dhacay saqdii dhexe ee xalay ayaa jugtiisa laga maqlay xaafado badan oo kamid ah caasimadda, waxaana goobta daqiiqado kadib tagay ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga, waxeyna sameeyeen howlgal, walow aysan ku guuleysan soo qabashada kooxdii weerarkaasi ka danbeysay.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa faraha ka sii baxaya, iyadoo khuburada amniga ay sal uga dhigayaan madaxweyne Xasan Sheekh oo aan wali isbedel ku sameyn taliyayaasha ciidamadda iyo talisyadii hore oo maanka ku haya iney ku soo fool leedahay seefta xil ka xayuubinta ah ee dowladda dhalatay 15-kii bishii May.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More