Maxaa ka jira in 5milyan oo dollar la siiyay burcadii heysatay markabka MV Abdullah?

Apr 14 (Jowhar.com)-Sida ay baahiyen warbaahinta dalka Bangaladesh, burcad baddeeda Soomaalida ee gacanta ku hayey markabka MV Abdullah ayaa sii daayey markabka iyo shaqaalahii saarnaa.

Mizanul Islam, oo ah la taliyaha warbaahinta ee Kooxda KSRM, ayaa xaqiijiyey sii daynta markabka sida ay ku warantay warbaahinta dalka Bangaladesh.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhamaan 23kii badmaax ee markabka saarnaa sidoo kale la sii dayey xilli danbe oo habeenimadii axada ahayd.

Sidoo kale laanta Laanta EUNAVFOR ATALANTA STRATCOM ee ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan galbeedka badweynta Hindiya ayaa BBC u xaqiijiyay in markabka la sii daayay.

Warar aan si madaxbanaan BBC du u xaqiijin ayaa sheegaya in raggii burcad baddeeda ahaa ay markabka ku sii daayeen lacag madax furasho ah oo dhan 5milyan oo dollar.

Burcad baddeeda markabka gacanta ku hayey ayaa dhamaa ilaa afar nin sida ay horaan BBCda ugu sheegeen saraakiil ka tirsan Puntland oo deeggaanadooda markabka lagu haystay.

Markabka MV Abdullah ayaa gacanta burcad baddeeda galay bartamihii bishii Maarso ee sanadkan markii kooxdu ay markabka ka soo qafaasheen biyaha caalamigaa.

Markabka MV Abdullah ayaa hadda ku sii jeeda magaalada Dubai, iyadoo warbaahinta Bangaladesh ay intaas ku dareen in xogo dheeraada laga sugayo inay bixiyaan shirkada KSRM.

Lama ogga halka ay ku sugan yihiin burcad baddeedii ka dagay markabka MV Abdulah, BBC oo xiriir la samaysay maamulka Puntland uma suura galin inay ka jawaabaan arrintaasi.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More