Maxaa ka jira in Baarlamaanku qorsheynayo mooshin ka dhan ah Ra’iisul wasaare Rooble

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in kulanka uu Madaxweynaha xilligiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo isugu yeeray xildhibaanada golaha shacabka maalinta Sabtida ah la qorsheynayo in xilka looga qaado Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

War hoose oo laga helay Xildhibaanada qaar ayaa sheegaya in maalinta Sabtida ay kalsoonida kala laaban doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble si mowjad cusub uu dalku u galo.

Golaha Shacabka ayaa la sheegay in ay qorsheynayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku eedeyn doonaan eed la mid ah tii hore kalsoonida ugala laabteen Xasan Cali Kheyre oo ah in uu ku guuleysan waayay diyaarinta doorasho qof iyo cod ah.

Si kasta ha ahaatee waxaa socda kulamo siyaasadeed taasoo ah mid lagu doonayo in loogaga hortago qorshaha cusub ee uu bilaabay Madaxweynaha xilligu ka idlaaday ee Farmaajo.

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa bartiisa facebook ku soo daabacay in uu qorsheynayo Farmaajo qorshe cusub oo uu kala kaashanayo Guddoomiyaha golaha shacabka Mursal iyo 54 xildhibaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More