Maxaa ka jiro in la weeraray hoyga taliyihii NISA Fahad Yaasiin?

June 01 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa saraakiil ka socotay taliska guud ee NISA oo saaka tagtay hoyga taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo ku dhex yaala xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, Illaa 30 askari oo ka tirsan Ciidanka NISA iyo labo gaari dagaal oo aheyd ilaalada gaarka ah ee hoyga Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa lagu amray inay ku soo xaroodaan xarunta Taliska NISA, kaddib amar ka soo baxay Agaasimaha cusub ee NISA Mahad Salaad.

Askartan ayaa saaka waxaa u tagtay saraakiil kuwaasoo u sheegtay fariinta ah iney deg deg u soo xaroodaan, taasoo keentay iney durba fuliyaan amarka taliyaha cusub ee NISA waxeyna deg deg u tageen xarunta hay’ada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Warka ku saabsan in la weeraray hoyga Agaasimihii hore ayaa ah mid aan waxba ka jirin, balse kaliya uu ahaa amar Taliska ka soo baxay oo lagu amray in Ciidamada ay ku soo laabtaan shaqadoodii hore, maadaama ay ka mid yihiin Ilaalada Taliyaha.

Fahad Yaasiin ayaa haatan dalka ka maqan isagoo wadanka Turkiga u dhoofay maalin kahor xil wareejinta madaxweynihii hore ee dalka Maxamed C/llaahi Farmaajo, qorshaha ayaa ah in Fahad loo reebo ilaalo lamid ah kuwa ay haatan heystaan taliyayaashii NISA soo maray oo ay lamid yihiinSanbaloolshe iyo Tuuryare oo kale.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More